(Muqdisho) 07 Okt 2018 – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Maanta booqasho ku tagay saldhiyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe.
Ujeedka safarka taliyaha ayaa lagu sheegay inay tahay sidii uu u dhiiragalin lahaa hawlgalada ciidamada dowladdu ka wadaan gobolkaasi iyo sidii gacan millatari loo siin lahaa dadka shacabka ah ee dhawaan ku dhawaaqay inay dagaal la galayaan ururka Al-Shabaab.
Goobaha uu booqday Taliye Indhoqarshe waxaa ka mid ah Tuullada la yiraahdo Geed Timir halkaas oo saldhig u ah ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.
Booqashada ayaa ku soo beegmaysa xili qeybo badan oo dalka ka tirsan ay ka jiraan xiisado colaadeed u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyadda Al-Shabaab.
Hadalsame Media



