(Isfahan) 07 Okt 2018 – Sarkaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaan Iiraan ayaa RW Israel ee Benjamin Netanyahu u jeediyay “inuu dabaal barto,” isagoo ka digey in mar aan dheerayn ay taasi noqon doonto dookha qura ee uu haysto, iyadoo uu warkani imanayo jeer ay Iiraan Yuhuudda ku eedaynayso inay faafinayaan Iiraan nacayb (Iranophobia).
“Netanyahu waa inuu ogaadaa inuusan jid kale u furnayn aan ka ahayn inuu gobolka ka cararo, isagoo ka tillaabaya Badda Dhexe ee Mediterranean Sea,” ayuu yiri Sarreeye-Guuto Hossein Salami oo ciidamada Ilaalada Kacaanka qaar ka tirsan ugu khudbaynayay magaalada Isfahan, iyadoo ay soo xigatey Wakaaladda Wararka Fars news agency.

Warka Jeneraalka ayaa imanaya kaddib markii uu Netanyahu khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee QM, wax ka yar todobaad kahor, isagoo ku dooday “in Iiraan ay waddo mashruuc qarsoodi ah oo ay ku samaysanayso hubka nukliyeerka, taasoo ku taalla Tehraan.”
Hadalsame Media