(Muqdisho) 06 Oktoobar 2018 – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war qoraal ah oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maxamed Cumar Nuur waxaana lagu sheegay qoraalkan in duur Joogta SAGAARADDA ay dhoofsaneyso dowladda Qadar iyadoo u sii maraysa safaaradeeda Muqdisho.
Sagaarada illaa hadda loo dhoofiyay dalka Qadar oo gaareysa 14 ayaa caafimaadkeeda aad loo baaray waxaana la ogaaday inuu wanaagsan tahay. Laakin waxaan Mugdi badani ku jiraa nuuca fasaxa kaasoo soo aysan dowladda Soomaaliya faahfaahin dhameystiran ka bixin, sida inuu jiro heshiis rasmi ah ama mid ku meel gaar ah oo ah dhanka Iibka duur joogta oo dhexmaray labada dowladood, tusaale haddii ay tahay guud ahaan iyo haddii ay tahay qeyb ka mid ah duur joogta.
Sagaarada ayaa ka mid ah Duur joogta ugu caansan Soomaaliya ee loogu ugaarsi badan yahay waxaana la aaminsan yahay in hillibkeedu aad u macaan badan yahay.
Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay inay fursad u noqoto dadka ugaarsada Sagaaradda kuwaas oo marka ay soo qabtaan ku wareejiya waddooyinka magaalooyinka si looga iibsado.
Akhriso warqada fasaxa
Hadalsame Media