SAWIRRO: Koox dhalinyaro ah oo gobolka Mudug ka billaabay dhaqdhaqaaqyo muhiim u ah amniga gobolka

0

(Muqdisho) 06 Oktoobar 2018 – Dhalinyaro la magacbaxay Madasha Nabadda Iyo Isdhexgalka kuwaas oo iskood isku abaabulay ayaa Magaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka billaabay dhaqdhaqaaqyo ay hubka uga aruuriyaan maleeshiyaadka ku dagaalama inta badan dhulka miyiga ah ee duleedka ka ah Gaalkacyo.

Dhalinyaradan ayaa maalinimadii shalay tagay tuulada Jeexdin oo 18km dhinaca bari kaga beegan Gaalkacyo halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyooyin ka soo kala jeeda koofurta iyo waqooyiga gobolka Mudug.

Kooxdan dhalinyarada ah ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo odoyaasha tuulada Jeexdin waxaana ay ku guulaysteen in hubka ay ka aruuriyaan maleeshiyaadkii dagaalamay.

Laakin waxaan wali xog badan laga hayn cida ay ku wareejinayaan dhalinyaradaas hubka ay ka aruuriyeen maleeshiyooyinka, inkastoo wararku sheegayaan in odoyaasha dhaqanku soo jeediyeen in hubka lagu wareejiyo maamuladda ka arrimiya Gaalkacyo iyo dowladda dhexe.

Hase ahaatee waxaa tallaabooyinkan ay qaadeen dhalinyarada Magaaladda Gaalkacyo soo dhaweeyay maleeshiyooyinka hubka laga qaaday iyo dadka deegaanka oo ay ku jiraan waxgaradka kuwaas oo dhamaantood sheegay in hubku uusan wax wanaag ah u heynin shacabka walaalaha ah ee ku nool gobolkaas.

Hadalsame Media