”Laba todobaad maahane 2 kun way jiraysaa boqortooyadeennu!” – MBS oo booto iyo maslaxo iskugu daray Trump

0

(Riyaad) 06 Okt 2018 – Wiilka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga ee Mohammed bin Salman, oo u jawaabaya madaxwaynaha Maraykanka ayaa ku dooday inay Boqortooyada dalkaasi ay iskeed u waarayso 2,000 oo sanadood.

Ninkan oo ay Galbeedku u yaqaannaan MBS, ayaa sheegay inuu ‘jecel yahay’ la shaqaynta Maraykanka iyo Trump, balse wuxuu sheegay in isbeddel kasta oo ballaarani uu u baahan yahay in qiime loo quuro.

“…Haddii aad dib u eegto Maraykanka, markii ay tusaale ahaan doonayeen inay addoonta xoreeyaan. Qiimehee lagu bixiyay? Dagaal Sokeeye iyo Maraykanka oo qaybsamay, kumannaan qofina waa ku qur bexeen si xornimo loo helo,” ayuu Bin Salman u sheegay warqaadka Bloomberg.

© Tasnim News Agency via
Iiraan ayaa Sucuudiga u jeedisey inay iyaga la shaqeeyaan halkii ay bahdil ku noolaan lahaayeen

MBS ayaa ku meeraystay warar uu ku beer dulucsanayo Maraykanka sida inay la dagaallamayaan xag-jirka oo ay dad badani aaminsan yihiin inay siyaasad xumadooda ku abuureen, kuna boqna gooyeen dunida Muslimka. Falanqeeyayaasha qaar baana xitaa ku eedeeya inay taa ugu daneeyaan dowladaha Galbeedka ee xukunka ku haya xukaamta musuqa ah ee Khaliijka iyo dunida Carabta.

Bin Salman ayaa yaraystay warka bahdilka ah ee kasoo yeerey madaxwayne Donald Trump, isagoo sheegay inay jireen Maraykanku inta uusan imaanin.“2,000 oo sano xitaa waan jiraynaa, waxbana ku bixin mayno amaankeenna.” ayuu yiri MBS isagoo dhanka kale 1% is fahmi waa oo xulufo ka dhaxaysa ku tilmaamay warka Trump

 

Hadalsame Media