LA REPUBBLICA: ”Dhibaatada Ronaldo haysata waxaa ”DHISAYSA” Real Madrid

0

(Roma) 06 Okt 2018 – Warsidaha La Repubblica ayaa ku doodaya in Cristiano Ronaldo rumaysan yahay inay Real Madrid tahay cidda ka dambaysa qorshe hoos loogu dhigayo qiimihiisa, kuwaasoo ay xitaa ka mid yihiin kufsiga lagu haatan lagu haysto.

Sida uu wargaysku qabo, xiriirka Ronaldo iyo Merengues ayaa gebi ahaanba dhulka galay bishii Diseembar, markaasoo Ronie lagu haystay canshuur uu la baxsaday, waxaana xilligaa jirtey in Real Madrid iyo Florentino Perez aysan taageero u muujinin laacibka oo aaminsanaa in isla kooxdaasi ay ka dambaysay khalad xisaabeedka dhacay.

Waxay arrintaasi markii dambe dhalisay inuu iskaga tago Juventus xagaagii xigey, balse  La Repubblica ayaa iminka qoraya aragti la yaab leh oo ah in Ronaldo aaminsan yahay inay Real Madrid daba dhiganayso.

Sida uu wargaysku sheegay, Ronaldo “waxaa ka dhaadhacsan in wax kasta oo dhacaya (sida abaalmarintii lala dhaafay, eedaymaha kufsiga, roosadii Valencia, sponsors-ka cararaya) ay wada yihiin dhagar iyo luggooyo uu gitaarka u garaacayo Perez.

“Runtii uma deggana laacibku, sidii uu ahaa ciyaarihii ugu horreeyay ee fasal-ciyaareedka.” ayuu raaciyay warqaadku.

Hadalsame Media