(Moscow) 06 Okt 2018 – Wasaaradda Maaliyadda Ruushka ayaa ku dhawaaqday qorshe meesha looga saarayo gebi ahaanba ku tiirsanaanta kaasha ahaaneed ee Doollarka Maraykanka, waloow ay noqonayso geeddi socod dheer oo xanuun badan.
Sida ku qoran qorshe todobaadkan la daabacay, waxay Ruushku doonayaan inay dhaqaalohooda Doollar tiraan marka la gaaro 2024-ka, waxaana ganacsatada Ruushka ah loo diyaariyay qorshe canshuur dhaaf ballaaran loogu sameeynayo iyo adeegyo kale oo dhiirri gelin ah, si ay Ruble-ka ugu wareegaan.

Ruushka ayaa dejiyay qorshe ay ku xoojinayaan lacagtooda maxalliga ah ee Ruble-ka sida ay inay lacagtaa ku bixiyaan waxyaabaha ay dunida u dhoofiyaan ee ugu badan sida saliidda, gaaska iyo hubka, sida uu sheegay Andrey Perekalsky, oo ah caymis yahan iyo falanqeeye dhaqaale oo ka tirsan FinIst.
Hadalsame Media