”Intii uu Maraykanku idin bah-dili lahaa ka warrama haddaan is bahaysanno?!” – Iiraan oo dalab cajiib ah u jeedisey Sucuudiga

0

(Tehraan) 06 Okt 2018 – Iiraan, waa dalka ugu dambeeya ee lagu tilmaami karo wax kastoo kale balse saaxiib Sucuudi, yeelkeede, waxay Sucuudiga u samaysay dalab cajiib ah oo aan caadi ahayn oo ku saabsan inay deris ahaan isu kaashadaan, kaddib “bahdilkii” diblomaasiyadda ka arradnaa ee Donald Trump, oo dadwaynihiisa ugu sheekeeyay inaan boqortooyadu la’aantood sii jiri karteen 2 todobaad.

Walwoo aysan xiriir diblomaasiyadeed lahayn dalalka Sucuudiga iyo Iiraan, misna waxay Iiraan Sucuudiga u fidisay yabooh ku aaddan inay deris ahaan isu kaashadaan si ay ugu babac dhigaan kibirka uu Maraykanku gobolka ka wado.


“Madaxwayne Trump wuxuu si joogto ah u bahdilaa Sucuudiga oo uu sheegay inaysan 2 todobaad sii taaqtaaqi karin taageeradooda la’aanteed. Taasi waa abaalcelinta Maraykanku ka sameeyay khiyaaliga ku dhisan in aad amaankaaga qof kale u dhiibtid,” ayuu Twitter kusoo qoray Wasiir Dibadeedka Iiraan ee Mohammad Javad Zarif.

“Waxaannu markale gacanteenna u fidinaynaa deriskeenna: Aannu dhisno ‘gobol adag’, oo aann joojinno is qancintaan maran,” ayuu raaciyay diblomaasiga ugu sarreeya dalkaasi Iiraan oo u caqli celinaya Sucuudiga oo si cad loogu sheegay in amaankoodu ku jiro gacanta Washington.

Hadalsame Media