(Naplus) 06 Oktoobar 2018 – Qaar ka mid ah dadka u dhashay Yuhuuda ama Israa’iil ee sida xooga ah lagu deegaameeyay ama lagu dajiyay dhulka dadka Falastiiniyiinta, ayaa la sheegay inay si xatooya ah uga gurtaan beeraha dadka falasiiniyiintu leeyihiin miraha laga sameeyo saliidda Saytuunka.
Beeraleyda Falastiiniyiinta ayaa sheegay in kaliya la siiyo afar maalmood oo xaddidan oo ay wax ku abuurtaan beerahooda kuna gurtaan wixii uga soo baxa, hase ahaatee qoysaska Yuhuudda ama Israa’iiliyiinta ayaan la kulmin wax cadaadis ah waxaana ay wax ku abuurtaan kuna gurtaan rabitaankooda.
Koox ka mid ah Israa’iiliyiinta la deegaameeyay ayaa laga qaaday muuqaallo iyagoo ka xadaya beeraha falastiiniyiinta Miraha Saliidda Saytuunka, gaar ahaan waxay arrintaani ka dhacday goobo ku yaala Daanta Galbeed, qaasatan Magaaladda Nablus oo ka mid ah meelaha xooga ku haysato Israel.
Falalkaan xatooyada ah ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay hay’ad maxali ah oo laga leeyahay Israel, waana wax joogta noqday sannad walba sida la sheegay.
Beeraleyda Falastiiniyiinta ah ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falalka tuuganimada ee ay ku kacayaan kooxdan Israa’iiliyiinta ahi.
Hadalsame Media