(Nairobi) 06 Okt 2018 – Mar aan ku safray trainka SGR ee isku xira Nairobi iyo Mombasa waxaa i soo jiitay teknoolojiyada, qaabka dhismaha train-ka, aagga musaafur kasta u asteysan, nadaafadda iyo adeegga. Xawaaraha marka aan ka reebo, waxaan u arkay train aan ka dhicin, qaar badanna ka sita trainnada aan raacay ee Mareykanka, Asia iyo dalal badan oo Yurub ah.
Sidoo kale waxaa ah bilicda naqshadda istaanka trainka laga raaco ee ku yaalla ma ahan keliya Nairobi iyo Mombasa oo dabcan ah labada ugu ballaaran uguna qurxoon ee dhammaan magaalooyinka uu istaago ee labada u dhexeeya.
Waxaan soo xusuustay abwaankii Soomaaliyeed ee siddeetanaadkii yiri: “Dalka sow ma aragtaan? Dunidana sow ma aragtaan?”
Waxaa Diyaariyay: Yuusuf Garaad
Hadalsame Media