DAAWO: ”Diyaar baannu u nahay inaan Somalia la midoowno haddii..!!” – Somaliland

0

(Washington, DC) 07 Okt 2018 – Adna Aadan Ismaaciil oo ah ergayga Somaliland ugu qaybsan wada hadallada dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay la midoobaan Somalia.

Adna ayaase shuruud ku xirtey arrintaa taasoo ah in marka hore la helo dowlad Soomaaliyeed oo wax ku ool ah isla markaana daacad ah, waxna lala qabsan karo sida ay u dhigtay.

”Markii la is raacay wanaag, walaalnimo iyo ixtiraam baa la isku raacay, dhibaatooyin baa dhacay oo dalkii kala jaray, haddii ixtiraam soo laabto maxaa ka hor jooga inay wada hadlaan,” ayay tiri Adna oo ka jawaabaysay su’aal ku saabsan inay diyaar u yihiin midnimo oo ay VOA-du waydiisey, taasoo muujinaysa moowqif ka debecsan midkii hore.

Waxaa moowqif noocan ah Somaliland ugu dambaysay waayihii siyaasigii ruug caddaaga ahaa ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo tan iyo geeridiisa oran jirey: ”Diyaar baannu u nahay inaan Somalia la fariisanno marka cid lala hadlo la helo.”

Hadalsame Media