Bayloot sheegay inuu 4 beri BARAF cunnayay (Sababta)

0

(Muqdisho) 06 Oktoobar 2018 – Alexander Novoseltsev oo ah Duulliye u dhashay Ruushka ayaa ka badbaaday burbur qeyb ahaan soo gaaray Helikoptar uu watay oo ku cilladowday, ugu dambeyna ku dhacday dhul buuralley ah oo aad u qabow badan kuna yaala gobolka Yakutsk.

Yakutsk, waa gobolka ugu badan heerka Mawjadaha qabowga iyo barafka waana gobol buuralley ah.

Alexander Novoseltsev ayaa afar habeen ku jiray xaalad cakiran isagoon haysan wax raashin ah, waxaana taasi ay biday in naf uu ka raadiyo inuu cunno barafka dul ceegaagay buuraha duushooda, waana uu duceynsayay intaas si uu u helo cid badbaadisa.

Burbur ayaa qeyb ahaan soo gaaray diyaaradiisa Robinson Helicoper, waxaana sabab u ahaa inay dhacdo cimiladda hawada iyo dhulka uu dul marayay oo buuraley ah iyo baraf xoog leh oo dhacayay.

Mar ay xaaladdiisu meel xun gaartay ayuu awood u helay inuu fariintiisa gaarsiiyo qolyaha gurmadka deg dega, hase ahaatee cimiladda goobta oo aad u xumaa ayay qaadatay waqti dheer in la badbaadiyo.

Qoyskiisa oo ay ugu horeyso xaaskiisa ayaa aad u wel welsanaa waxaana ay ku cadaadinayeen qolyaha gurmad deg dega ah inay badbaadiyaan Alexander oo la sheegay in markii la soo badbaadiyay la dhigay Isbitaal ku yaala degmada Momsky.

Hadalsame Media