(Ballidoogle) 05 Okt 2018 – Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Maraykanka ee Africa waxaa wasaarada difaaca mareykanka ay ogolaatay 12 Milyan oo Doollar taas oo lagu dayactirayo dhabaha diyaaraduhu ku cararaan ee garoonka Balidoogle.
Maraykanka ayaa saldhig ciidan oo aan la ogeyn cida ansixisay ku leh Balidoogle wuxuuna ku tababaraa ciidan soomaaliyeed oo la fal gala kuwa mareykanka.
Sanadkan gudahiisa Maraykanka wuxuu Soomaaliya ka fuliyay ilaa 20 duqeeyn oo xagga cirka ah kuwaas oo la sheegay in Shabaab lagu beegsanayay.Waxaa jira dad rayid ah mararka qaar ay waxyeello ka soo gaarto duqeynta Mareykanka.
Sidoo kale waxaa jira tuhunno badan oo ku xeeran qorshaha dhabta ah ee Maraykanku ka leeyahay Ballidoogle. Shaqada garoonka Ballidoogle ayaa la sheegayaa in ay habeenkii aad u socoto kolkaas oo ay fariistaan diyaaradaha xamuulka ah.
Lama oga ujeedka uu Maraykanku ka leeyahay iyo waxa anfacaya Somalia ee uu halkaa ka qabto intaba.
Mohamed Dhoore
Hadalsame Media