”Haddii waxa i hayaa kansar noqdaan iska dawayn maayo!” – Madaxwaynaha Filibiin oo CIA ka shakisan

0

(Manila) 05 Okt 2018 – Madaxwaynaha Philippines Md Rodrigo Duterte ayaa qirtay inuu caafimaadkiisu kasii darayo, iyadoo baaris gudeed lagu sameeyay marinka hunguriga, caloosha iyo mindhicirrada (colonoscopy and endoscopy), iyadoo laga baqayo inuu kansar yahay.

3 todobaad unbaa laga joogaa markii baaritaan lagu sameeyay hannaanka dheefshiidka ee 73-jirka, balse wuxuu haatan sheegay inuu u baahan yahay baaris guud si uu u ogaado inay jirkiisa feexi ku jirto, isagoo sheegay in xaaladda hungurigiisu sii xumaan karto.

“Waan iska indha tiray taladii, ma aanan joojin cabista khamriga… Marka waa kasii daray,” ayuu yiri Duterte mar uu hadal ka jeediyay caasimadda Manila, isagoo horay dhowr mar uga sheegtay CIA.

”CIA ayaa i dhegeeysanaysa, waana i dili karaan’’ ayuu yiri Duterte oo telefoon ku hadlaya bishii Agoosto.

“Balse waan idiin sheegayaa haddii ay kansar tahay waa kansar. Haddii ay marxaladda 3-aad noqoto, dawo kale ma doonayo, ma rabo inaan sii dheereeyo silaca i haysta, anigoo xafiiska jooga ama meel kale,” ayuu ku yiri afafka Tagalog iyo Ingiriisi isku qasan.

”CIA ayaa i dhegeeysanaysa, waana i dili karaan’’ ayuu horay u yiri Duterte oo telefoon ku hadlaya dabayaaqadii bishii Agoosto, isagoo bishii Juun 2016 noqday ninkii ugu da’ waynaa ee qabta madaxnimada dalkaasi.

Hadalsame Media