DEG DEG: Hindiya oo iska indha tirtay hanjabaaddii Maraykanka iyadoo saxiixday heshiis loogu soo daabulayo gantaalaha S-400

0

(Delhi) 05 Okt 2018 – Qandaraas uu Ruushku dalka Hindiya ugusoo daabbulayo 5 batari oo ah hannaanka gantaalaha S-400 ayay haatan si rasmi ah u kala saxiixdeen Moscow iyo New Delhi, sida uu xaqiijiyay Kremlin-ku.

© Yuri KADOBNOV
Ganacsiga Ruushka iyo Hindiya ayaa lagu wadaa inuu 3 jibbaarmo 2025

India ayaa qalinka ku aastay heshiis ku kacaya $5.43 bilyan oo doollar oo ay kusoo iibsanayso 5 batari oo casri ah oo ah gantaalaha dhul ka cirka ah ee S-400, iyadoo sidaa iskaga indha tirtay hanjabaado cunaqabatayn ah oo kaga imanayay Washington.

Heshiiskan ayaa lagu kala saxiixday kulan heer sare ah oo ay labada hoggaamiye ee kan India RW Narendra Modi iyo Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ay ku kala saxiixdeen New Delhi.

Noocan casriga ah ee S-400, ayaa difaaci kara gantaalaha cruise-ka iyo kuwa ballistic-ga ah, waxaana dal iibsada ugu horreeyay Shiinaha.

Hadalsame Media