(Moscow) 05 Okt 2018 – Dayuurad MiG-29 ah ayaa ku burburtay bannaanka magaalada Moscow, waloow ay wada badbaadeen labadii duuliye oo baarashuudka ka goostay, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ihi.
Dayuuraddan laba matoorreeyda ah ayaa waxaa lahaa machadka lagu daraasadeeyo laguna barto duullimaadyada ee Gromov Flight Research Institute, sida laga soo xigtey hay’adaha dhaqan gelinta sharciga.
Dayuuradda, oo kasoo duushay gegada Zhukovsky Airport oo ku taalla koonfur bari Moscow, ayaa sida la yiri ku dhacday kaymaha u dhow tuulada Dmitrovskoye, meel ka fog goobaha uu dadwaynuhu ku badan yahay. Sababta shilka weli lama carrabaabin.
Hadalsame Media