DAAWO: Dunida oo ku qaxwaynaysa arrin la yaab leh oo lagu arkay D. Trump mar uu dayuurad raacayay!!

0

(Minneapolis) 05 Okt 2018 – Waxyaabaha markiiba la ogaan karo ama aan la ogaan karin ayay ka mid tahay inaad socoto adigoo ay xaashida musqushu kabahaaga ka laalaaddo, si kastaba se waxay ku dhacday madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump, oo sidaa ku fuulay Air Force One.

Daqiiqaddaa yaxyaxa leh ee qabsatay madaxwaynaha Maraykanka ayaa haatan caalamka looga qaxwaynayaa, waxayna arrintani ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Minneapolis–Saint Paul International Airport.

”Trump saaxiibbo ma leh!” ayaa ka mid ah jawaabihii ay dadku bixiyeen, iyadoo arrintan aad loogu jeexjeexay baraha bulshada. Qaar baa dhaliilay ilaalada ka socota hay’adda US Secter Service (USSS) ee madaxwaynaha ilaaliya.


Hadalsame Media