(Milano) 03 Sebt 2018 – AC Milan ayaa doonaysa inay soo celiso Zlatan Ibrahimovic, 6 sano kaddib markii uu naadigaa ka tegey, iyadoo sida ku qoran Corriere della Sera, ay Rossoneri doonayso inay weerarkeeda ku xoojiso Ibrahimovic, oo kooxdiisa LA Galaxy ku xiran tan iyo Diseembar 2019.
Il Corriere ayaa intaa raacinaya in Milan ay diyaar u tahay inay u bandhigto qandaraas marka uu furmo suuqa Jannaayo, isagoo ugu yaraan la joogaya ilaa iyo bisha Juun, jeer ay qoyskiisu aad ula dhacsan yihiin magaalada Milano.
37-jirkan ayaa sidoo kale wanaajin kara xiriirka Mino Raiola iyo Milan, kaasoo wakiil u ah Gianluigi Donnarumma iyo Giacomo Bonaventura.
Ibrahimovic ayaa laba sano usoo ciyaaray AC Milan, isagoo u dhaliyay 56 gool kulana guulaystey Scudetto iyo Italian Supper Cup, wuxuuna markasta sheegaa in lagu khasbay inuu 2012 ku biiro kooxda Paris Saint-Germain.
Hadalsame Media