(Muqdisho) 03 Aktoobar 2018 – Haweeney ayaa lagu xukumay sadex bilood oo xabsi ah kadib markii ay fiirisay teleefanka gacanta ee ninkeeda.
Ogolaansho la’aan ayay baar baartay oo fiirisay teleefanka gacanta ee ninkeeda waxaana sidaas darteed lagu soo oogay dacwad ah xadgudub.
Kaliya intaas kuma aysan ekaanin ee xog badan ayay teleefanka ninkeeda kala baxday oo teleefanno kale ku shubatay si ay iyadda oo kaliya ah u eegto.
Looma soo bandhigin saxaafadda magacyada labadda lamaane ee sheekadaani dhexmartay.
Xukunka ayaa ka dhacay magaalo ku taala dalka Imaaraadka Carabta waxaana dalkaasi si adag looga mamnuucay ku xadgudubka siraha gaarka ah ee dadka iyo in gudaha loo galo taleefannadooda oo la baar baaro ama la fatasho.
Markii ay xogtii kala baxday teleefankiisa ay tustay walaalaheed iyadoo uu jees jees ka muuqday.
Dacwada waxaa markii hore Maxkamada u gudbiyay ninkeeda waxaana uu xaaskiisa ku eedeeyay in isagoon ogeyn ay teleefankiisa u daba martay, taasina waa sharci darro sida uu yiri adlka Imaraadka carabta. Waliba waxa uu sheegay inay kaga faa’iideysatay goor uu isagu hurdo la dhacay.
Laakin iyadu waxay ku dooday in ninkeedu uu hore u siiyay sirta teleefankiisa taasina ay iyada ay u sahashay inay eegto, maadama mar marka qaar kood ay arki jirtay isagoo haween kale kala sheekaysanaya qadka.
Hadalsame Media