
(Milano) 03 Okt 2018 – Inter Milan ayaa la sheegayaa inay Agaasimihii Guud ee Juventus ee Beppe Marotta ugu yaboohday €3m oo euro, kaddib markii uu la kulmay maareeyaha Inter ee Steven Zhang sida uu qorayo Sportitalia
Taas ayaa ka dhigan in 61-jirkani uu qaadanayo lacag ku dhowaad 2 jeer ka badan midda uu qaato Milan Skriniar, oo sanadkii hela €1.7m oo qura, tiiyoo uu muhim u yahay mashruuca Beneamata.
Marotta ayaa Juve ka tegaya Oktoobar 25, waloow uu xitaa ka maqnaa garoonka guushii ay xalay Bianconeri 3-0 uga badisay kooxda Young Boys.
Hadalsame Media