Gabadheena ma GUURSAN kartid sababtoo ah….? (Sheeko Yaab leh)

0

(Muqdisho) 03 Aktoobar 2018 – Maxkamad Sucuudiga ku taala ayaa ku xukuntay haweeney dalkaasi u dhalatay in aysan guursan karin nin ay ragga ka soo xulatay sababo lagu sheegay inuu miyuusik garaacay.

Mohammed Abdu, waa mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan dalka Sacuudi Carabiya, waana ninka loo diiday inuu guursado gabadha uu calmaday.

Garsoorayaasha maxkamada ayaa ninkaasi waxa ay u arkeen in diin ahaan uusan gabadhaasi u qalmin waxaana go’aanka maxkamadda ku taageeray qaraabada haweeneyda kuwaas oo ka soo horjeestay guurka.

Qaar badan oo ka mid ah dad Sacuudiga waxay jecelyihin muusiqa hase ahaatee waxaa jira kuwa kale oo ay ku weyntahay boqortooyada qadiimiga ah iyo diinta islaamka.

Garaaca Muusiga Waxa ay u arkaan in uu yahay dhaqan diinta Islaamka ka soo horjeeda,waxa ayna yasaan dadka heesaaga ah amaba garaaca muusiqa.

Hadalsame Media