(Muqdisho) 03 Oktoobar 2018 – Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleeen jugta qaraxyo culus oo loo maleynayo inay ahaayeen duqeyn loo gaystay xarun ay ku aruursanaayeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Duqeynta oo dhacday abaare saqdii dhexe ee xalay ayaa waxaa dadka ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Basra ay sheegayaan inayahayd mid culus oo dadka deegaanka qal qal galisay.
Warar saakay oo Arbaco ah soo baxay ayaa sheegaya in duqeyntaasi loo gaystay saldhig ururka Al-Shabaab ku leeyahay deegaanka Basro, hase ahaatee waxaa warar is khilaafsan ka soo baxayaan nuuca duqeynta iyo cidda ka dambeysa.
Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi loo maleynayo inay ka timid saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, halka warar kale sheegayaan in duqeyntaasi loo maleynayo inay gaysteen diyaaraddo dagaal.
Hadalsame Media