(Muqdisho) 03 Okt 2018 – Waxaa jira dad sheegay inay is abaabuleen dadka rayidka ah oo ku dhaqan degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo la baxay ”Ururka Macawisleey” iyadoo dalab u jeediyay dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabeelle oo wada sheegta inay xukumaan dhulkaas, balse wax gurmad ihi ma gaarin.
Dadkan ayaa ka sheeganaya baad ay sheegeen in laga baado xoolaha iyo xitaa dadka, iyadoo aysan jirin wax adeeg ah oo loogu qabto, kiisaska ugu daran waxay ku sheegeen in carruur yar yar laga codsaday sidoo kalena haweenka soo dira la yiraahdo.
Haddaba Xildhibaanadda Canab Xasan oo ka tirsan baarlamanka dhexe ayaa arrintaa ka hadashay iyadoo leh: “Qaranka waxaa hortaagan intaan meeshan fadhisa, sidee la rabaa in ay wax ku hagaagaan. Waxaan daawanaayey urur la baxay MACAAWIISLEEY, aabe leh wiilkeeygii ayaa la iyiri keen isagiina wuxuu idhahay aabe ha igeeynin waan iska ooyey markii aan daawaday muuqaalkaas, aaway DOWLADDII uu codsiga ka dalbay, miyaa loo diray ciidan iyo gaadiid. Baarlamaanka 10-aad waxaa eegaya shacabka Soomaaliyeed waxay ka eegayaan wax wanaagsan.”
Odayga sawirka ka muuqda oo ka mid ahaa dadkii maalin dhowayd ka hadlayay inay hubka u qaateen tacaddi ay kula kacaan kooxda Al Shabaab ayaa ku dhintay dagaal ay kooxda Macawisleey la gashay kooxdaas.
Hadalsame Media