DAAWO: Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka oo baahisay muuqaalka gantaalaha S-300 ee ay siisay Suuriya

0

(Dimishiq) 03 Okt 2018 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka ayaa sii daysay muuqaal laga duubay dejintii hannaanka gantaalaha S-300, gantaalaha qabtayaasha ah iyo agab kale oo ciidan oo uu Ruushku u daabulay dalka Suuriya, si sare loogu qaado awoodda difaac ee dalkaasi, jeer uu Ruushka ka xanaaqey dhiciddii dayuuraddii basaaska ahayd ee Il-20.

Xalay ayay ahayd markii ay dunidu ka war heshay in agabkaa muhimka ihi uu gaarey dalka Suuriya, waxaana goobta geeyay dayuuradda millateri ee xamuulka qaadda midda adduunka ugu wayn, Antonov An-124 Ruslan (the Condor), oo loo naqshadeeyay inay qaaddo canaab dhan 120 tan.

Waxaa la arkayaa dayuuradda oo sanka furanaysa kaddibna ay kasoo degayaan agabkan oo wax wayn ka taraya sidii ay Suuriya iskaga difaaci lahayd dalalka kusoo xad gudbaya hawadooda, gaar ahaan Yuhuudda oo dhowr mar duqayn u gaysatey iyo kuwa kale.

 

Hadalsame Media