(Mississippi) 03 Okt 2018 – Boqortooyada Sucuudigu waxay ku dhici lahayd “laba todobaad gudohood” haddii aysan ahaateen taageerada millateri ee Maraykanka ee dalkaa ilaalinayay sanadaha badan, sida uu qabo Donald Trump oo si bilaa ixtiraam ah ula kalaamay boqorka dalkaasi.
“Waxaannu ilaalinnaa Sucuudiga,” ayuu Trump ka yiri isu soo bax uu ku qabtay Southaven, Mississippi. “Waana jeclahay boqorka, Boqor Salmaan, balse waxaan ku iri ‘Boqoroow, annagaa ku ilaalinna, laba todobaad meesha siima joogi lahayn ciidamadeenna la’aantood, marka waa inaad bixisaa lacagtooda.’”
Waloow uusan Trump warkiisaas aan daboolka diblomaasiyadeed lahayn aanu ku xusin, misna waxaa la ogyahay inay labadoodu khadka telefoonka ku wada hadleen Sabtigii, markaasoo ay ka wada hadleen saliidda sidii hoos loogu dhigi lahaa, taasoo lafteedu ah yeerin ka imanaysa isaga.
Hadalsame Media