Colaada u dhaxeysa Qawmiyaddaha dalka Itoobiya oo sii xoogaystay

0

(Muqdisho) 03 Oktoobar 2018 – Ku dhawaad 44 qof ayaa lagu dilay iska hor’imaad ka dhacay galbeedka Itoobiya sadexdii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii ay xoogaysteen isku dhacyada u dhaxeeya qawmiyaddaha dalkaas.

Dadka ku nool ismaamulka Benishangul-Gumuz ee galbeedka dalkaasi ayaa sameeyay kacdoon taasoo ka dambeysa shaqaaqooyin bilawday Jimcihii lasoo dhaafay kadib markii afar qof oo dowlad deegaankooda ka tirsan lagu diley dhulka Oromada oo ay xaduuud la leeyihiin.

Dadka Oromada ah ayaa kadib weerar lagu qaaday waxaana weerarkaas ka dambeeyay dadka degan Benishangul-Gumuz.

Deegaankan Benishangul-Gumuz waxaa horey loo dhihi jiray Kililka lixaad. Shaqaaqooyinka ugu dambeeyay ayaa sababay in kumanaan qoys guryahooda isaka barakacaan.

Maamulka sare ee Benishangul-Gumuz ayaa dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya ka dalbaday inay dhulkaasi usoo diraan ciidamo millatari ah si ay gacan uga siiyaan sugida amniga.

Cabbeey Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ka guulsan doonaan qul qulatooyinka u dhaxeeyay qawmiyaddaha dalkiisa, iyadoona hore loogu eedeeyay Qawmiyadda Oromada oo RW Cabbeey Axmed ka soo jeedo, inay dagaal ka abuurtay gobolka deegaanka Soomaalida.

Hadalsame Media