(Muqdisho) 02 Oktoobar 2018 – Tiiraanyada Niyad jabka, Dar xumadda, Diifta iyo Welwelku waa mid meel walba ka muuqda, Tiiyoo dadka dhibanayaasha ah ay helayaan kaalmo iyo gurmad aad u yar. Taasi waxay ka dambeysay markii Duufaanadda Sunnaamiddu ku dhufteen qeybo ka mid ah dalka Indonesia halkaas oo ku dhawaad kun qof ay ku dhinteen, kuwa kalena ku hanti beeleen.
Sulawesi island
Jaziiradda la yiraahdo Sulawesi island oo ku taala bartamaha dalkaas gaar ahaan meel u dhaw Magaaladda Palu ayaa qeyb ahaan baaba’day, waxaana dadkii ku noolaa noqdeen kuwa dhintay, kuwa cararay iyo kuwa wali ku hoos jira dhismooyin bur buray.
Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa wali ku jira baadi goobka dhibanayaasha wali laga yaabo inay ku go’doonsan yihiin dhismooyinka hoostooda sida guryaha iyo goobaha kale ee ganacsiga ee burburay.
Palu
Magaaladda Palu ayaa ah meelaha ugu badan ee dhibaatadu saameysay,waxaana loo baahan yahay qalab dheeraad ah oo loo isticmaalo nadaafadda. Magaaladdan Palu waxay hoy u ahayd ku dhawaad sadex boqol iyo sideetan kun oo dad ah (380,000), hadda laakin waxay u muuqata mid afar meelood, sadex meel oo ka mid ah ay burburtay, dadkii ku noolaana ay u qeysameen kuwa dhintay iyo kuwa ku jira Niyad jab iyo tiraanyo.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii Magaaladda ayaa wali ku go’doonsan xaafaddo ay ka mid tahay Balaroa oo dhul gariirka iyo Sunnaamiddu si weyn u saameeyeen.
Qoysaska ayaa goor dambe helay eheladooda oo qaar kood dhinteen, kuwa kalena nool yihiin kadib muddo asbuuc ku dhaw oo ay wallaac ku jireen.
Gurmadka iyo gargaar ka imaanaya dalalka deriska iyo kuwa fog fog ayaa ah mid gaabis ah waxaana dowladda dalka Indonesia ay dunida ka codsatay in lala soo gaaro gurmad deg deg ah si loo samata bixiyo kumanaanka dhibaatadu soo gaartay.
Markii ugu dambeysay dhimashada ayaa gaartay 890 ruux.
Hadalsame Media