Wasaaradda caafimaadka oo dalka ka mamnuucday daawooyinka Qaaxada ama TB-da (Sababta)

0

(Muqdisho) 02 Oktoobar – Dowladda Soomaaliya ayaa shaki galisay daawooyinka loo isticmaalo in lagu daaweeyo cudurka qaaxada ama TB-da waxaana Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur sheegtay in cudurka TB-da uu dhibaato ba’an ku haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiiradda ayaa sheegtay in daawooyinka loo adeegsado in lagu daaweeyo bukaanada uu asiibo cudurka qaaxada ay uga sii darto xaaladda bukaanka islamarkaana ay hor seedo in cudurku uu bulshada kale ku sii dhex faafo.

Wasiiradu waxay sheegtay inay sidaasi darteed Wasaaradda Caafimaadku mamnuucday soo dejinta iyo ka ganacsiga daawada qaaxada.

Cudurka TB-da ayaa ka mid ah cudurada dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Hadalsame Media