Midowga Yurub oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho, sheegayna in ciidamadoodu aysan Ridin hal xabbo qaraxa kadib

0

(Muqdisho) 02 Oktoobar 2018 – Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay weerar shalay lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Yurub Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaas haba yaraatee uusan wax khasaare nafeed ah ka soo gaarin ciiadamadooda.

Laakin waxaa warka soo baxay Midowga Yurub lagu sheegay inay ka xun yihiin khaasaraha la sheegay ee gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

“Ciidamadeena ayaa lagu weeraray qarax, waxaana meesha ka dhawaa shacab oo aan ka xunahay inay wax yeelo soo gaartay,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.

“Ciidamadeenu ma aysan TUURIN hal xabbo kadib markii qaraxa lala beegsaday…. Taasi waxay marqaati ka tahay in shacabku yahay kuwa ugu badan ee dhibaatadu ka soo gaarto qaraxyada ay gaysanayaan gargagixisadu,” ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.

Hawlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay inaysan ka waaba doonin sii wadista taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada Soomaaliya iyo sidoo kale la shaqeynta saaxibadda caalamiga ah ee Soomaaliya sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga

Hadalsame Media