Meydka nin Soomaali ah oo laga helay Magaaladda Basel ee dalka Switzerland

0

(Muqdisho) 02 Oktoobar 2018 – Meydka Muwaadin Soomaali ah ayaa laga helay magaalo ku taala dalka Switzerland, sida ay sheegayaan illo wareed xog xogaal ah.

Marxuunka oo lagu Magacaabi jiray Abuukar Todobaale ayaa meydkiisa laga helay saaka agagaarka webbi weyn oo ku yaala Magaalada Basel.

Lama oga sida wax u dhaceen hase ahaatee Soomaalida ku nool dalkaasi Switzerland ayaa sheegay in meydka la helay jirkiisa ay ka muuqdeen wax u eg dhaawacyo soo gaaray, lamana oga waxa ka dambeeyay geerida ninkaasi Soomaaliga ah.

Booliska ayaa la sheegay inay wadaan baaritaan ku saasban kiiskaan oo wallaac ku beeray dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Hadalsame Media