(Beijing) 02 Okt 2018 – Markab dagaal oo uu Shiinuhu leeyahay ayaa biyaha Badda Koonfurta Shiinaha ku eryadey markab uu Maraykanku leeyahay oo la yiraahdo USS Decatur kaasoo si wayn usoo galay biyaha maxalliga ah ee Shiinaha, kaddibna lagu amray inuu boxo haddii kale uu isku dhac imanayo.
Arrintan oo Axaddii dhacday ayaa iminka la shaaciyay, waxaana la sheegay inuu Markabka Maraykanka ihi uu usoo dhowaadey jasiiradda Spratly Islands oo ka tirsan South China Sea.
Jawaab ahaan, waxay deeto Shiinuhu usoo direen markab dabaqadda Luyang ah oo burburiye ah, kaasoo markabka Maraykanka ka cayriyay goobta lagu ”muransan yahay”, taasoo ay Maraykanku ku tilmaameen arrin aan ”xirfadlenimo ku jirin oo halis ah.”
Markabka Chinese-ka ihi wuxuu sameeyay “dhowr tillaabo oo qar iska tuurnimo ah iyo digniino badan oo uu Markabkeenna ku amrayo inuu goobta ka box,” ayuu yiri kabtan Charlie Brown, oo ah afhayeen raxanta maraakiibta Maraykanka ee Badda Deggan, isagoo sheegay in markabkooda 45 mitir loosoo jirsaday.

Shiinaha ayaa Maraykanka ku eedeeyay inuu daandaansi wado kaddib markii ay dayuurad bombar ah oo B-52 ihi ay dul haaddey Badda Bari iyo Koonfureed, taasoo ay Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinuhu ku tibaaxday faragelin ka dhan ah madax banaanida gayi ee Shiinaha.
Hadalsame Media