(Muqdisho) 02 Sebt 2018 – Daahfurnaanta Maaliyadda dalku waxay na gaarsiisey inaan noqonay dal dunidu aamini karo.ayaa ciwaan looga dhigay munaasad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo looga hadayey hanaanka Maaliyeed ee Soomaalida oo sida hadalka loo dhigay dunida soo jiitey. Waxaa Munaasabada soo agaasimey Wasaarada Maaliyada, Waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Koowaad Xasan Cali kheyre, Saraakiisha Wasaarada Maaliyada, sida Wasiirka, Wasiir u dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud iyo inta badan Shaqaalaha Wasaaradda, Hantidhowrka guud ee Qaranka, Xisaabiyaha, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale.
Dib u habeyntii Hanaanka Maaliyadda ee dalku waxay sababtay in Soomaaliya sanadkan la siiyo deeq Maaliyadeed oo wax ku ool ah, ayaa lagu xardhay Hoolka Munaasabddu ka dhacday oo ay dhalinyaro soo camirtay. Madaxda Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigay Hanaanka Maaliyada ee ay ku shaqeyso kaasoo ay sheegtay in caalamku la dhacay waxayna intaa ku dareen in loo ballan qaaday ka badan 200 oo Malyuun oo doolar kadib markii ay kasoo baxeen Imtixaano badan oo ay IMF-tu marsiiyey.
“Mdane Ra’iisul Wasaare IMF-tu ma ahan niman qosla waa niman mucjiso ah oo Imtixaan badan, laakiin hadaan nahay Wasaarada Maaliyadda waan ku guuleysaney Imtixaankoodii, waxaana aan gaarney waqti ay na aaminaan”. sidaa waxa goobta ka sheegey Wasiir Cabdiraxmaan Beyle.
Bulshada Rayidka oo uu magacooda ku hadlayey Cabdulaahi Maxaamed Shirwac ayaa Wasaarada Maaliyada iyo Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in Miisaaniyada soo socota Wasaaradaha Arimaha bulshada sida Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Caafimaadka, Isboortiga iyo Waxbarashada la gaarsiiyo 20%.taasoo hadda ah 7% si dadweynaha wax loogu qabto lana xisaabiyo Madaxda Wasaaradahaas.
Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la hadlayey shaqaalaha Wasaarada Maaliyada ayaa Hambalyo kadib yiri. “Ha dabaaldegina, hana qoslina sababtoo ah waxaad u shaqeysaan dowled aan dadkeeda wax u qaban karin, hal cusbataal aan maamulin, caruur badan aan iskuul ka bixin, Laamiyo lagu raaxeysto aan dhisin oo weli gacmaha hoorsata”. Waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri.
“Waxaan joognaa maanta meel wanaagsan waayo waxaan ka nimid meel ay ganacsatadu aaminsaneed in canshuurta laga qaado ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha qaataan”.waxa uu intaa ku daray.
“Waxaan qaadnay wadada saxda ah inagoo waqti dheer ay jihadu naga lunsaneed” Mar uu ka hadayey Musuqa Mdane Kheyre waxa uu yiri. “Waxaan idiin cadeynayaa in qof walba oo musuq ku kaca ama xatooyo sameeya ay Hay’adaha amaanku amar ku qabaan iney soo xiraan oo ay maxkamad soo taagaan, si taas la mid ahna qofkii ka daba taagana aan laga aqbalin”.
Isku soo wada duub su’aashu waxay tahay mar hadii Hanaanka Maaliyada ee Wasaaradda Maaliyadda aduunku aaminey oo Baanka Aduunku deeq siiyey Soomaaliya, waxa ay Shacabku Soomaaliyeed u aamini la’yihiin Hanaanka la sheegay inuu najaxay ee uu Wasiir Beyle odayga ka yahay?
Waxaa Qoray; C/Naasir Iidle
Hadalsame Media