(Torino) 02 Sebt 2018 – Wargayska kasoo baxa Torino ee Tuttosport ayaa ku doodaya in uventus ay isha ku hayso saxiixa Kylian Mbappé ama ugu yaraan Paul Pogba oo ay ka dhiganayaan xiddigga xiga ee ay doonayaan.
Kooxda Bianconeri ayaa mar qura xagaagii kasoo baxday qaabkii ay inta badan dhaqan ahaan wax usoo iibsan jirtey, iyadoo Cristiano Ronaldo ku keentay €100m, isla markaana sanadkii siinaysa €30m oo euro.
Waxaa la rumaysan yahay in is fahmi waa qorshahaa ku saabsani uu yahay midka keenay inuu kooxda ka tago Agaasimihii Guud ee Giuseppe Marotta, oo ahaa nin suuqa qaab caqli ah uga kaluumaysta.
Madaxwayne Andrea Agnelli ayaa horay u sheegay in ujeedkoodu yahay inay xiddiga xiga da’ yar ku helaan, waxaana haatan Tuttosport ku dhigan inuu kaasi yahay Mbappé, ama ugu yaraan soo noqodka Pogba.
Juve ayay se adag tahay inay hadda horay ka hesho Mbappé, balse waxay doonaysaa inay soo qaadato marka uu qandaraaskiisu dhowaado, ama haddii uu damco inuu Ligue 1 ka huleelo 2022 ka hor, isagoo ah beddel ku habboon Ronaldo.
Hadalsame Media