(Muqdisho) 02 Oktoobar 2018 – Taliska Ciidamada dowladda Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Chad ,Africom, ayaa maanta oo tallaado ah sheegay in koofurta Soomaaliya ay ku dileen 9 dagaalyahan ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo gacan saar la leh Alqaacida.
War saxaafadeed ka soo baxay taliska Militariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerar xagga cirka ah laga fuliyay deegaan qayaas ahaan 40 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
“Weerarka wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah ma gaarsiin dadka shacabka.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Mareykanka.
Ciidamada cirka Marekanka oo garab siinaya ciidamada gaarka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarrada lagu bartilmaameed-sanayo xubnaha ka tirsan ururka al-Shabaab.
Hadalsame Media