DEG DEG: Ruushka oo gantaalaha S-300 siiyay ciidamada Suuriya

0

(Moscow) 02 Okt 2018 – Gantaalaha dhul ka cirka ah ee S-300 ayaa faraha laga saaray ciidamada cirka Suuriya, kuwaasoo ay wehlinayaan agabyo kale oo casri ah iyo raadeerro si sare loogu qaado awoodda difaac ee dhanka cirka dalkaasi, sida uu Wasiirka Difaaca Ruushka ee Sergey Shoigu u sheegay madaxwayne Vladimir Putin.

“Waxaannu dhamaystirnay daabulaadda hannaanka gantaalaha S-300,” ayuu yiri Shoigu oo hadda dhow hadlay, waxaana agabka ilaa haatan Suuriya lagu hubeeyay ka mid ah 49 qaybood oo agab ciidan ah oo ay ku jiraan raadeerro, baabuurta wax lagala socdo iyo afar tuure sida uu sheegay.


Hadalsame Media