(London) 02 Okt 2018 – Waxaa soo baxay sawirradii ugu horreeyay ee darawal ay ku habsatey daaqad kasoo faniintay dabaqa 27-aad ee kaddibna dhintay markiiba.
Mick Ferris oo 53-jir ahaa ayaa waxaa ku dhacday daaqad kasoo faniintay 250 cagood, guriga dheer ee Corniche tower ah ah dabaq raaxo oo ku yaalla Vauxhall, koonfur-galbeed London, jeer uu darawalkani kasoo degey bas uu wadey si musqul uga isticmaalo Riverbank Plaza Hotel oo kasoo horjeeda midka ay daaqaddu kasoo go’day.
Nin ay ka wada shaqeeyaan basaska Clarkes of London, ayaa MailOnline u sheegay: ‘Wuxuu ahaa nin la jecel yahay oo diirran oo wanaagsan. Wax intaa ka badan haatan ma sheefi karo.’
Dhismahan oo sanadkii tegey uun la dhamaystiray, isla markaana ay weli iib ka yihiin flat-yo guud ahaan ku kacaya £6m oo gini ayay booliiska iyo waaxda caafimaadka iyo badbaadadu baarayaan sababta ay daaqaddu usoo dhacday.
Hadalsame Media