(Nairobi) 02 Okt 2018 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo ka mid ah dadka ku jira siyaasadda Kenya, balse aad uga hadla arrimaha Soomaalida ayaa diiradda saaray tacaddiyo ay ciidamada xoogga Kenya ee KDF ka gaystaan labada dhinac ee xuduud beenaadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya.
”Qisooyin caan ah ayaa kasoo baxaya howlaha aannu ka wadno Somalia. Waxaannu qayb joogto ah ku leennahay AMISOM, balse KDF aan ka tirsanayn AMISOM ayaa dadka ku silcinaya labada dhinac ee xadka sida DABAcity. KDF waxay sidoo kale burburiyeen rugaha telefoonnada ee Hormud. Ahuru jooggi waallidan oo magdhow bixi.” ayuu koontadiisa Twitter-ka kusoo qoray Faarax Macallin.
An all too familiar episode is unfolding with our engagements in Somalia. We do have a standing contingent in AMISOM but non AMISOM KDF is brutalising people on both sides of the border like DABAcity. KDF also destroyed Hormud telephone masts. UHURU stop this madness &compensate.
— Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 29, 2018
Warka Faarax Macallin ayaa marka laga soo tago tacaddiyada ay ciidamada Kenyan-ku gaystaan oo ay xitaa ku jiraan duqaymo aan kala sooc lahayn oo badanaa ka gaystaan Gedo iyo Jubbooyinka, waxaa dheer inay dalka iska soo galaan ciidamo aan ka tirsanayn AMISOM, oo sidaa darteed sharci darro ah.
Hadalsame Media