Aqalka Sare oo baaq xasaasi ah kasoo saaray khilaafka Galmudug (Akhri)

0

(Muqdisho) 02 Okt 2018 – Guddiga Googtada ah ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa warmurtiyeed kasoo saaray Xaaladda maamul-goboleedka Galmudug oo dhex muquuranaya khilaafaad soo noqnoqday.

Aqalka Cad ayaa dhinacyada is haya ugu baaqay inay dhowraan wadajirka iyo midnimada maamulka, isla markaana inta arrinta xal laga gaarayo la joojiyo mooshinnada iyo tillaabooyinka kale ee ay qaadayaan ee xaaladda sii murjinaya, lana dhowro haykalka hay’aadka dastuuriga ah ee maamulkaasi, oo u muuqda mid aan lahayn marjac loo noqdo oo wax u kala saari kara si maangal ah.

Kal-fadhigii 17-aad, ee ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa waxaa kasoo baxay war murtiyeedka hoos ku xusan ee akhri:

Hadalsame Media