(Naumburg) 02 Oktoobar 2018 – 3 dhallinyaro ah oo raacsan xag-jirka midigta fog ayaa bariga magaalada Naumburg ku toorreeyay weriye maxalli ah, kaddibna waxay bixiyeen salaanta gacanta taagta ah ee cunsuriga Nazi-ga.
Weriyaha oo la yiraahdo Klaus-Peter Kruemmling, ayaa badbaadey waloow ay gashay toorreeydu ilaa 6cm, wuxuuna u shaqeeyaa Naumburger Tageblatt, weriyahan 59-jirka ah ayaa ka dukaamaysanayay dukaan maxalli ah oo Rewe la yiraahdo markii uu muranku bilaabmayay.

Ninkan oo gaarigiisa usii socda ayaa waxaa ka hor yimi 3 dhallinyaro ah – deetana midkood ayaa sida la yiri ku candhuufay isla markaana far dhexada u taagey, weriyaha oo ka caroodey maagistaas ayaa kaddib wajahey 3 wiil, waana marka ay middida darayaan.
Booliiska Jarmanka ayaa soo xirxirey canaasiir ku eedaysan inay weerarro cunsuriyad ku dhisan ku qaadi lahaayeen soo galootiga iyo xitaa siyaasiyiinta liberaalka ah.
Hadalsame Media