WARBIXIN: Soomaaliya oo qeyla-dhaan ka muujisay Dhuxul si qarsoodiya looga dhoofiyay dekad ku taala Koofurta Soomaaliya

0

(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018– Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan Baale ayaa xaqiijiyay dowladda Soomaaliya ka walaacsan tahay markab ay ku raran yihiin 200,000 Kiish oo dhuxul ah oo ka soo shareecday mid ka mid ah Dekaddaha koonfurta Soomaaliya,kaasi oo ku xirtay Dekadda Ciraaq ee Umm Qasri.

Safiirka ayaa cambaareeyay cid walba oo ku lug leh dhoofinta sharci darada ee dhuxusha Soomaaliya,isagoona sheegay in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, maaddaama dhoofinta dhuxusha ay tahay ish ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo gelo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Al-Qaa’ida.

“Soomaaliya waxay si isku mid ah ugu baaqaysaa dhammaan saaxiibbada iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay taageeraan dadaallada looga hortagayo ka ganacsiga sharci darrada ah iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.” ayuu yiri Danjire Baale.

Markabkan aaa sida  la sheegay wata Document been abuur ah oo muujinaya inuu ka yimid dalka Chana.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday xukuumada Ciraaq inay dedejiso baaritaannada hadda socda ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo Kiiska Markabka.

Hadalsame Media