(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Hawlgalo millatari ayaa ka socda koofurta Soomaaliya gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen howlgalo saacadihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyaga oo sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsanaa ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka xoreeyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Jubbooyinka, gaar ahaan howlgalka xooggiisa ayaa ka dhacay deegaanno qiyaastii 75km u jira magaalada Kismaayo, waxaana ciidamadu ku sii jeedaan degmada Jamaame .
Yuusuf Xusseen Cismaan oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab hase ahaatee ma jiraan illo madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegashadaan.
Deegaanada ciidamadu sheegeen inay hawlgalkii ugu dambeeyay ka sameeyeen waxaa ka mid ah Bangini, Mana-mufo iyo Koban oo ku yaala nawaaxiga Jamaame, kana mid ahaa deegaannada ugu muhiisan oo ay Al-shabaab ka maamulayeen gobolka Jubbada Hoose.
Hadalsame Media