(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Ugu yaraan sadex ruux oo Itoobiyaan ah ayaa caawa lagu dilay magaalo xeebeedka Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wararku waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay saddex nin oo Ethiopian ah halka labo kalena dhaawacyo culus ay soo gaareen.
Dadka la dilay waxay ka soo jeedaan qowmiyadda Tigreega oo ka mid ah qawmiyaddaha Itoobiya.
Weerarkan waxaa ka dambeeyey koox hubeysan oo illaa hadda aan la garaneyn waxa ay ahaayeen iyo halka ay ka tirsan yihiin.
Goobta weerarku dhacay waxay u dhaw dahay dekadda Boosaaso. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga magaalada Boosaaso.
Boqolaal Itoobiyaan ah oo ah dad rayid ah una badan qawmiyadda Oromada ayaa ku sugan Boosaaso waxaana qaar kood halkaas u tageen inay ka sii tahriibaan.
Hadalsame Media