SAWIRRO: Maxaa looga hadlay shirka siyaasadda loo dhanyahay ee maanta ka dhacay Muqdisho?

0

(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay kaasoo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada, ayaa ka mid ahaa waxyaabihii looga hadlay shirkii maanta.

Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaarayo doorashada si lamid ah buu yiri, “caawimaadii horay looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaaray”

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaari karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Waxaa uu sheega in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso habkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad iyagu kooban.

Hadalsame Media