SAWIRRO: SADEX WAXYAABOOD oo muhiim ah oo laga baran karo Qaraxii maanta Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan Midowga Yurub

0

(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Maanta waxaa weerar Ismiidaamin ahaa oo ay sheegteen ururka Al-Shabaab lala beegsaday kolonyo gaadiid gaashaaman oo ay saarnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Yurub ee ku sugan Muqdisho.

Ciidamada la beegsaday oo ah qeyb ka mid ah kuwa ka socda dalka Talyaaniga ayaa qeyb ka ah hawlgalka guud ee Midowga Yurub ku taageerayo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo lala beegsado tababarayaal ciidan oo ka tirsan hawlgalka Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya.

Ugu yaraan sadex qof oo uu ka mid yahay qofkii is qarxiyay ayaa ku dhintay weerarkan waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad toban kale.

Sidoo kale lama sheegin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada la beegsday ee Midowga Yurub, marka laga reebo mid ka mid ah gawaaridooda oo waxyeelo ay soo gaartay.

Haddaba waxaa jira sadex waxyaabood oo dadka Muqdisho hadal hayaan kadib qaraxii maanta waxaana waxyaabahaasi la sheegayaa inay muhiim u yihiin badqabka shacabka Soomaaliyeed markii ay dhacaan qaraxyo nuucaan ah.

1) Ciidamada Midowga Yurub ee la beegsaday oo mid ka mid ah gawaaridooda la waxyeeleeyay Ma aysan furin wax rasaas ah qaraxa kadib,taasoo ah dhaqan cusub marka laga hadlayo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo mar walba oo qarax lala eegto rasaas aan jiha lahayn dhinac walba u hur gufa, taasoo dhimasho iyo dhaawac u gaysata dadka shacabka ah.

2) Ciidamada la beegsaday ee Midowga Yurub kama muuqan wax isku dhex yaac ah markii qaraxu dhacay waxaana la arkayay iyagoo caadi gawaarida uga soo dagaya, dadkana aan u diideynin inay sawirro ka qaataan iyagoo Moobeeladooda isticmaalaya.

3) Ciidamada la beegsaday waxay muddo kooban xireen waddooyin gaar ah waxaana shacabka ay ula hadlayeen si wanaagsan oo aysan haba yaraatee dadwaynuhu dareemin wax qal qal ah, waxaana sida dad goobjoogayaal ay sheegeen Ciidamadda talyaaniga ee la beegsaday xitaa shacabka ay waydiisteen inay caawiyaan walaalahooda kale ee Soomaalida ah ee qaraxa ku waxyeeloobay.

Hadalsame Media