(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Warbaahinta qaar keed ayaa sheegay in qaraxu ka dhashay Miino wadada dhinaceeda lagu aasay oo lala eegtay gawaari qafilan oo ay saarnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Yurub ee ku sugan Muqdisho.
Hase ahaatee urur Al-Shabaab oo weerarkaan sheegtay ayaa sheegay in weerarkan uu dambeeyay dagaalyahan iyaga ka tirsanaa oo waday gaari miineysan.
Goobjooge diiday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay Hadalsame Media inuu arkay mid ka mid ah gawaaridda gaashaaman oo ay leeyihiin tababarayaal millatari oo Talyaani ah oo waxyeelo soo gaartay.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha la bartilmaameedsaday iyo sidoo kale kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.
Hadalsame Media