(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Dalalka Maraykanka iyo Canada ayaa qallinka ku duugay heshiis rasmi ah oo ay kaga gudbayaan ismaandhaaf xoog leh oo dhexmaray labada dal bilihii ugu dambeeya, waxaana heshiiskaan ay gaareen labada dal daqiiqadii ugu dambeysay wadahadalkooda.
Hehiiska oo qeyb ka ahaa barnaamijka ururka ganacsiga ee NAFTA ee dalalka Canada, Maraykanka iyo Maxico waxaa loo arkaa mid muhiim u ah dalalkaasi.
Heshiiskaan oo 24 sanno jir ah ayaa qarka u fuulay inuu gabi ahaanba burburo markii Siyaasadda Madaxwaynaha Maraykanka Doland Trump u cuntami waysay dalka Canada oo qoonsaday tallaabooyin uu qaaday Trump.
Xalay ayay wadaxaajoodayaasha labada dhinac gaareen heshiis kaasoo labada dal wixii hadda ka dambeeya ka shaqeyn doonaan dhiiragalinta suuq xor ah, ganacsi cadaalad ah iyo in la kobciyo dhaqaalaha gobolka.
Hadalsame Media