Cabasho laga muujiyay Isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo oo ku soo batay gobolka Shabeellada Hoose

0

(Muqdisho) 01 Oktoobar 2018 – Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa walaac ka muujiyay jid gooyooyin fara badan oo la soo dhoobay inta u dhaxeysay Magaaladda Mqudisho iyo magaalooyinka gobolka Shabeelalda Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle oo u waramayay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in isbaarooyinka dadka dhiganaya aysan aheyn reer Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in dad ku yimid Magac Ciidan,isla markaana ka yimid Gobolo kale ay yihiin kuwa isbaarooyinka ay u yaallaan degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dadka ku nool Gobolka Shabeellaha Hoose ay yihiin dad badi aan dhigan isbaarooyinka balse sida uu sheegay ay yihiin dad ka yimid deegaano kale oo dadka dhibaateynaya.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo aadaya xilli Shacabka qaarkood ay ka cabanayaan isbaarooyin la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaas.

Hadalsame Media