Xilkasnimada waxaa la isku xiijiyaa inta aan XIL la haynin!!

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2018 – Xilka dawladnimo waxaa dilay dhaqankeenna. Waxay ahayd in qofku ka cararo waayo xilku wuxuu wataa culays iyo ceeb. Laakiin waxaan u haysannaa inuu yahay fursad laga macaasho.

Waxaan wada nahay mid cunaya iyo mid meeshuu ka qaniini lahaa waayey. Kan mixraabka fadhiya, kan aqoonyahanka ah, nabaddoonka, kan mucaaridka ah ee waddaninimada ka sheekeeya subaxa xukunka loogu yeero ayey waxay ahaayeen u xuub siibtaan.

1. Nin la oran jirey Cabdulmalik bin Marwaan ayaa isagoo akhrisanaya Qur’aan loo sheegay inuu noqday boqorkii Dawladdii Umawiyiinta. Intuu kitaabkii laabay ayuu yiri “Maantaa isugu keen dambaysa!”

2. Baarlamaankii lixdankii ayaa nin lagu baryey inuu Xamar aado oo galo baarlamaanka. Wuu diidday waayo xoolihiisii iyo hawlo ayuu ka baqayey iney ka dayacmaan laakiin waa lagu khasbay. Waxaa la sheegay inuu doorashadii dambe qof ku dilay siduu ugu soo noqon lahaa baarlamaanka.

3. Waxaa jirey nin warbaahinta ka hadli jirey oo dalwaddii markaas jirtey ku eedayn jirey inaanay Soomaalinimo wadin oo shisheeyaha u adeegto. Adeerkiis nin ah ayaa isla dawladdii xil ka qabtay mise maalintii dambe waa kiiyoo adeerkiis boorsada u sida oo diyaarad kala soo degaya.

Yaan qofna dawladnimo lagu aaminin. Ha la dhiso nidaam is miisaamaya oo is ilaalinaya oo isagu isa sixi kara. Waa la awoodaa haddii loo fekero. Haddii kale qof walbaa ha sugo fursaddii uu wax ku cantuugi lahaa oo qaylada ha ka daayo qolayaha hadda afka kula jira.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

 

Hadalsame Media