(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka weerar ku qaaday deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.
Deegaanka Baar-Xaano oo ka tirsan deegaanada hoos taga Magaaladda Beledwayne ayaa saakay waxaa ka dhacay dagaal kooban waxaana la wareegay ciidamada huwenta ah.
Guddoomiyeha gobolka Hiiraan ee dhawaan la magacaabay Yusuf dabageed ayaa wacad ku maray inay ganaaxi doonaan sida uu yiri dadka shacabka ah ee garsoorka u doonta deegaanada ay shabaabku maamulaan.
Deegaanka Booco oo xarun u ah Al-Shabaab ayaa la sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiiin.
Hadalsame Media