(Muqdisho) 30 Sebt 2018 – Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa markii ugu horeysay waxaa uu maanta cashir ku saabsan dhaqaalaha ka bixiyay Jaamacadda Ummadda oo ku taala Magaaladda Muqdisho.
x
Mr. Beyle ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga
“Maanta waxaan Cashar ku saabsan dhaqaalaha siiyay Ardayda Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan kuwa Kuliyadda Dhaqaalaha…Waxaan ku faraxsanahay inaan waqti la qaato si bari iyaguna ay wax badan uga taraan kobaca dhaqaalaha Soomaliya,”ayuu yiri wasiirku.
“Waxaan u rajeynayaa guul dhamaan Ardayda Soomaaliyeed ee wax barato,”
Wasiir Beyle waxaa lagu tiriyaa inuu yahay mid ka mid ah wasiiradda ugu firfircoon uguna hawl karsan xukuumadda Raiisal wasaare Xasan Cali Khayre iyadoo hanaanka Maaliyadeed ee dalka ay aad u amaaneen hay’addaha maaliyadda caalamiga ah sida Baanka aduunka iyo IMF.
Hadalsame Media